Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Shacabka ku dhaqan Magaalada Baydhabo ayaa weli la anfariirsan dagaalkii saacadaha badan socday ee Jimcihii ka dhacay magaaladaasi, ka dib markii ciidamo ka amarqaata Madaxtooyada Koonfur Galbeed ay weerar ku ekeeyeen hoyga Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti), oo ka mid ah musharaxiinta mucaaradka ee ka biyo diidan muddo kordhintii uu Baarlamaanka Koonfur Galbeed u sameeyay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), oo muddo xileedkiisu uu dhammaaday 19-kii bishan.

Dagaalka oo bilowday xilligii Salaadda Subax ayaa soo geba-gabeeyay gelinkii dambe ee Jimcihii, markaas oo ciidamada maamulka ay ugu dambayn la wareegeen hoyga Fargeeti, inkastoo ay dib uga baxeen, saacado ka dibna ay la wareegeen maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan oo ku heyb ah Fargeeti.

Dagaalka ayaa sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh oo u badan dhinacyadii dagaalamay.

Inkastoo aan la ogayn khasaaraha gaaray dhanka ciidamada maamulka, haddana dhaawacyadii askarta qaarkood ayaa maanta loo qaaday Magaalada Muqdisho, qaar kalena waxaa lagu dabiibaya isbitaalada gaarka loo leeyahay ee magaalada ku yaala. Dhanka maleeshiyadii la weeraray ayaa la ogyahay in dagaalka looga dilay 7 nin, 5 kalena ay kaga dhaawacmeen.

Dadka ku waxyeeloobay dagaalka waxaa ka mida dad rayid ah, oo uu ugu yaryahay Ayuub Xasan Ibraahim, oo qoyskiisa ay degan yihiin xaafadda Berdaale, kana mid ah dadkii deegaanka ee lagu dul dagaalamay.

Ayuub Xasan ayaa dagaalka ku waayay ishiisa midig, ka dib markii rasaas habow ahayd ay ugu tagtay hoygooda. Ayuub oo qoys danyar ahi ka soo jeeda ayaa xaaladdiisa lagula tacaalaya Isbitaalka Guud ee Baydhabo.

Sidoo kale waxaa jira dad kaloo shacab ah oo waxyeelo ay ka soo gaartay gantaalada garbaha laga tuuro, oo la seexiyay Isbitaalka Weyn ee Baydhabo iyo kuwa kale ee gaar loo leeyahay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in tirada dadka dagaalka ku dhintay ay ka badan tahay 12 qof, dhaawacuna uu sii caga-cageynayo 30 kale.

Dhanka kale isgaarsiinta magaalada oo mar maanta hawada laga saaray ayaa baqdin xoog leh ku dhalisay dadka deegaanka, oo qaarkood ay ku khasabtay in ay guryahooda isaga barakacaan.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in dadka reer Baydhabo oo dhegta u taagan tahay ay qiimeynayaan xaaladda iyo waan-waanta ay wadaan Culimada iyo Odayaasha Dhaqanka.

Marka aad milicsato magaalada ayaa waxaad arkaysaa in abaabul iyo is hubeyn ay ka wadaan maleeshiyaad u daacad ah musharaxiinta mucaaradka, oo Madaxweyne Laftagareen ku eedeynaya in uu doonayo in sifo aan sharci ahayn uu xafiiska ku sii joogo, isla-markaana aanay aqbali doonin in qori caaraddii loo adeegsado.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhinacyada ugu baaqay inay hubka dhigaan, isla-markaana ay miiska wada hadalka isugu yimaadaan.

“Qoriga dhulka dhiga oo gogosha isugu imaada, oo is warsada oo waxa idinka khaldan iska toosiya, oo ninkan idin anfaceynin ninyahow raali ahaaw dhaha, kan idin anfacaya haysta hadduu joogo, hadduu maqan yahayna keensada.

Fursad hala siiyo dadka, waana aaminsanahay dadku in aanay cadaawad iyo dhib qabin, siyaasad waaye ee wax kale la iskuma hayo. Baydhabo dadka degan waa qaraabo, waa ehel, waa wiil iyo abtigiis, waa oday iyo inankiisa, yacni wax dhib ah oo meeshaasi ka jira, ma jiraan, waxaan waa siyaasadda iyo dowladnimada daciifka naga noqotay.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dowladda Federaalka ayaa dhinacyada ku cadaadineysa inay 5-ta bisha January Baydhabo kaga qaybgalaan shirka uu ku baaqay Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com