Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo yeeshay kulan uu buuq hareeyay

Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo maanta kulan ku yeeshay Xaruntooda Magaalada Baydhabo ayaa ku soo dhammaaday buuq iyo fowdo.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Kusimaha Gudoomiyaha ahna Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Maxamed Nuur Maxamed Macalin ayaa akhrinta 1aad lagu marsiinayay miisaaniyadda sanadka 2023, oo uu Guddoonka Baarlamaanka u soo gudbiyay xafiiska Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Buuqa hareeyay kulanka ayaa yimid, ka dib markii Kusimaha Gudoomiyaha Baarlamaanka uu Xildhibaanada diidan muddo kordhinta Madaxweynaha ka hor istaagay inay kulankaasi ka hadlaan.

Kusimaha Gudoomiyaha ayaa Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada ayaa ka dalbaday inay Xildhibanaadaasi ka dareeriyaan goobta, tani oo natiijadeedii noqotay in buuq iyo fowdo uu kulankaasi ku soo idlaado.

Xarunta Baarlamaanka oo ku dhex taala Madaxtooyada Baydhabo ayaa muuqaalo la soo dhigay barraha bulshada lagu arkayay, ciidamada oo handadaya Xildhibaanada.

Ciidamada ayaa lagu eedeeyay inay jirdil u gaysteen qaar ka mid ah Xildhibaanada, qaar kalena ay si khasab ah kaga qaadeen teleefanadoodii gacanta, ka dib markii ay ku duubeen wixii goobta ka dhacay.

Xildhibaan Cismaan Buulle Maxamed oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa ciidamada ku eedeeyay in ay ku xadgudbeen xasaanaddii Xildhibaanada.

Dhanka kale Xildhibaanada taageersan muddo kordhinta Madaxweynaha oo si wadajira Warbaahinta ula hadlay ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay fara-gelin ku hayso Koonfur Galbeed, iyagoona ka dalbaday inay fara-gelintaasi joojiso.

Baydhabo ayaa si weyn looga dareemay xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay, markii Madaxweyne Laftagareen uu muddo xileedkiisii dhameystay bishan 19-keedii.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com