Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Xildhibaan Ilhaan Cumar (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan soo dhaweyn ah Madaxtooyada Qaranka kula qaatay Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada ee Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa kulanka waxaa ku wehlinayay marwada koowaad ee dalka, Qamar Cali Cumar, Wasiirka Haweenka & Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Federaalka, Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiir Dowlaha Madaxtooyada, Abshir Maxamed Axmed iyo Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka, Batuulo Sheekh Axmad Gabale.

Ilhaan Cumar ayaa toddobaadkii hore booqashadeedii laabtay ku tagtay Puntland, tan iyo markii ay siyaasadda Mareykanka ku biirtay, iyadoona si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Garoowe.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com