Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmay Villa Somalia (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Qaranka ka furmay Shirka 4aad ee Golaha Wadatashiga, oo looga arrinsanayo arrimo dhowra.

Shirka ayaa waxaa ka qaybgelaya Raysal Wasaaraha Xukuumadda, Raysal Wasaare Kuxigeenka, Madaxda 5-ta Dowlad Goboleed iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

War ka soo baxay Aqalka Villa Somalia ayaa lagu yiri “Shirkan ayaa Madaxdu waxay ku odorasayaan Federaaleynta Garsoorka iyo asteynta awoodaha heer Federaal & heer Dowlad Goboleed, arrinkan oo qayb ka ah dhammeystirka fulinta qodobada warmurtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Madasha Qaranka 3aad ee ku soo geba-gaboobay Muqdisho 12-kii September.

Sidoo kale, Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed waxay iska xog wareysan doonaan xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al Shabaab oo Ciidamada Xoogga Dalka ay ka soo hoyeen guulo waaweyn, kana xoreyeen deegaano badan oo ay horey ugu dhibaateynayeen shacabka Soomaaliyeed.

Shirkan waxaa ka qaybgalay Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre, Raysal Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda, Saalax Axmed Jaamac, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Saciid Cabdullahi Deni, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale.”

Warka laguma sheegin inta maalmood ee shirku ka socon doono Magaalada Muqdisho iyo haddii looga hadlayo xiisadda ka taagan Magaalada Baydhabo iyo haddii kalaba.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com