Aadan Madoobe oo qaabilay Midowga Musharaxiinta ee Koonfur Galbeed (SAWIRRO)

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa caawa hoygiisa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Xubnaha Midowga Musharaxiinta ee Koonfur Galbeed.

Kulanka ayaa looga hadlay shirka dib-u-heshiisnka siyaasiyiinta Koonfur Galbeed, ee 5-ta bisha January lagu wado in uu ka furmo Magaalada Baydhabo.

Shirkan oo uu horaan ku baaqay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa looga gol leeyahay in la isugu soo dhaweeyo siyaasiyiinta deegaanka, maadaama uu dhammaaday muddo xileedkii Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), mucaaradkuna uu ka biyo diiday muddo kordhintii uu Baarlamaanka Koonfur Galbeed u sameeyay Madaxweynaha, si la isku waafajiyo Doorashooyinka Baarlamaanka iyo midda Madaxtooyada, oo aan isu waqti ahayn.

“Musharaxiinta Koonfur Galbeed iyo Gudoomiyaha ayaa isla qaatay in laga wada shaqeeyo dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed, si loo helo midnimo, isla-markaana la iska kaashado, sidii loo sii amba qaadi lahaa dib-u-xoreynta deegaanada ay ku sugan yihiin kooxda Khawaarijta Al Shabaab.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Sida warka lagu sheegay Aadan Madoobe ayaa sheegay inay muhiim tahay midnimada iyo jiritaanka Koonfur Galbeed, isla-markaana la xoojiyo kacdoonka dadweynaha ee lagu xoreynayo dhulka ay Shabaabku maamulaan.

Mucaaradka ayaa cambaareeyay weerarka ay ciidamada maamulku Jimcihii ku qaadeen hoyga musharax Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti) uu ku leeyahay Magaalada Baydhabo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com