Dad ku dhintay bannaanbaxyo ka dhacay Magaalada Laascaanood

Ugu yaraan laba qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhimatay, sideed kalena ay ku dhaawacantay bannaanbaxyo rabshado wata oo maanta ka dhacay Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Dadweyne careysan ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaaladaasi, ka dib markii kooxo hubeysan ay xalay nin dhallinyaro ahaa ku dileen magaalada.

Allaha u naxariistee Cabdifitaax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi) ayaa ka mid ahaa dhallinyarada siyaasadda ku jirta, isagoona ka tirsanaa Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee Waddani.

Dadweynaha ayaa intii ay bannaanbaxa ka wadeen magaalada waxay isku dhaceen ciidamada, taasoo sababtay geerida labada qof iyo dhaawaca sideedda kale.

Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Sool, Maxamed Aadan Cumar ayaa dadka reer Laascaanood ugu baaqay inay is dejiyaan, isla-markaana ay laamaha ammaanku baarayaan cidda gaysatay dilka Hadraawi.

Dilkan ayaa ugu dambeeyay dilal xiriir ahaa, oo in muddo ahba ka dhacayay Magaalada Laascaanood.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com