Duulimaadyadii Garoonka Aadan Cadde ee maanta oo la hakiyay 6:00am illaa 6:00pm

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa soo saartay wargelin ku aaddan in maanta la hakiyay howlihii duulimaad ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Hay’adda ayaa shirkadaha duulimaadyada ku wargelisay in shaqadii garoonka ee duulimaadyada la hakiyay, laga bilaabo 6-da subaxnimo illaa 6-da fiidnimo ee Arbacadan, sababo farsamo awgeed.

Garoonka diyaaradeed ee dalka ugu weyn ayaase qaabili doono diyaaradaha ambulance-ka, VIP-da iyo kuwii ay cilad ku timaado.

Ma cadda sababta dhabta ah ee loo hakiyay duulimaadyadii Garoonka Aadan Cadde, waxayse imaanaysa, xilli Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada uu shir uga socdo Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com