Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Danjire Kaalmooy

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Danjire Muxudiin Maxamed Kaalmooy, oo markii ugu dambeysay ku magacawnaa Danjiraha Somaliya ee dalka Libya.

Madaxweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Danjiraha.

“Madaxweynaha Jahmuuriyadda ayaa tilmaamay in Danjire Muxudiin uu ka mid ahaa siyaasiyiinta ruug caddaaga ah ee muddada dheer u soo adeegayay shacabka Soomaaliyeed, isaga oo soo noqday Wasiir, diblomaasi dalkeenna metelay iyo bare ka mid ahaa Macalimiinta Jaamacadda Ummadda.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha.

Qoraalka ayaa lagu sheegay “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumka Alle u weydiiyay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com