Madaxweyneyaasha Somaliya iyo Jabuuti oo kulan ku yeeshay Muqdisho (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada dhinac ayaa Caasimadda Muqdisho ku yeeshay wada-xaajoodyo ku saabsan xiriirka Somaliya iyo Jabuuti, qiimeynta hannaanka iskaashiga soo jireenka ah ee labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

Labada Madaxweyne oo si wadajira Warbaahinta ula hadlay kulanka ka dib ayaa adkeeyay midnimada iyo walaalnimada ka dhaxeysa labada shacab, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu uga mahadceliyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda iyo shacabka Jabuuti sida ay u garab istaageen walaalahooda Somaliya, xilligii ay u baahdeen shacab iyo dowlad ahaanba.

Dhankiisa, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta walaalnimada leh ee ay u muujiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay in uu ajiibay martiqaad uu u fidiyay walaalkiis Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, si uu markhaati uga noqdo guulaha laga gaaray hawlgalada dib-u-xoreynta ee deegaanada dalka.

Shirka labada dowladood, waxaa Madaxweyneyaasha ku wehlinayay, dhanka Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya; Wasiirka Arrimaha Dibadda, Abshir Cumar Jaamac, Wasiirka Warfaafinta, Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Abshir Maxamed Axmed iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Xuseen Sheekh Maxamuud.

Halka dhanka Jabuuti ay ku metelayeen; Wasiirka Arrimaha Dibadda, Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Dhaqanka iyo Dhallinyarada, Hibo Muumin Casaawe, La aliyaha Arrimaha Dhaqanka, Aadan Xasan Aadan, Siihayaha Safaarada Jabuuti ee Somaliya, Maxamed Ibraahim Yuusuf iyo Danjire Dayib Dubbad Rooble.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com