Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Magaalada Laascaanood oo weli kacsan

Xaaladda Magaalada Laascaanood ayaa maalintii 3aad u muuqato mid kacsan, ka dib dilkii habeenkii Isniinta magaaladaasi loogu gaystay Cabdifitaax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi) oo ka mid ahaa dhallinyarada deegaanka ee siyaasadda ka muuqday, isagoona ka tirsanaa Xisbiga Waddani. Kooxo hubeysan oo dilkiisa ka dambeeyay ayaa la sheegay inay baxsadeen.

Labadii maalmood ee ugu dambeysay waxaa magaalada ka dhacay bannaanbaxyo rabshado wata oo dad ku dhinteen, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Xalay oo ugu dambeysay shaqaaqo ka dhacday magaalada ayaa sababtay geerida nin dhallinyaro ahaa, kaasoo lagu magacaabi jiray Cabdishakuur Axmed Salaad.

Isla xalay ciyaartoyda Kooxda Ciidanka Asluubta ee Gobolka Sool iyo kooxda kale ee ku ciyaareysa magaca Xidigaha Cirka ee Gobolka Sool ayaa shaaciyay inay isaga baxeen tartankii kubadda cagta ee ka socday Magaalada Hargeysa, sababo ku aaddan xiisadda ka oogan Magaalada Laascaanood.

Gudoomiye Kuxigeenkii Gobolka Sool, Maxamed Aadan Cumar ayaa Arbacadii iska casilay xilkaasi. Gudoomiye Kuxigeenka ayaa is casilaaddiisa ku shaaciyay muuqaal uu soo duubay.

Dhanka kale goobaha ganacsi ee magaalada ayaa maanta xiran, waxaana laga baqdin qabaa in qulqulatooyin hor leh ay ka dhacaan magaaladaasi.

Barraha bulshada ayaa si adag loogu dhaliilay gacanta adag, ee ay ciidamada amniga ku wajahayaan dadka reer Laascaanood.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo Arbacadii ka hadlay shaqaaqooyinka ka dhacay Laascaanood ayaa sheegay in dilalka ku soo noqnoqday magaaladaasi wax looga qaban karo, iyadoo hal dhinac looga soo wada jeesto kuwa dilaya haldoorka iyo waxgaradka reer Laascaanood.

“Waa in xukuumad, dowladda oo dhan iyo shacbi aan isugu tagno inaanu helno mushkiladaasi halka ay ka socoto, wixii dhibaatooyin ee ka soo baxa xagayna, shacab iyo dowladba aanu gufayno ama xoojino, talo wadajiraa ka gaari si degdeg ah Insha’Allah.” Ayuu yiri Madaxweyne Biixi.

Dadka deegaanka ayaa dalbanaya in wax laga qabto dilalka soo noqnoqday ee magaaladaasi loogu gaysto dadka indhaha u ah bulshada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com