Madaxweynaha Somaliya oo ka hadlay xiisadda ka taagan Magaalada Laascaanood

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan dhibaatada ka taagan Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool iyo amniga Caasimadda Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan ehelada ay ka geeriyoodeen dadkii birmageedada ahaa ee ku dhintay bannaanbaxyada ka dhacaya Magaalada Laascaanood, waxa uuna xusay in dadka Soomaaliyeed ay dhibaatooyin badan soo mareen, maantana aysan mudneyn in dib loogu celiyo dhibaatooyinkaasi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay Somaliland in xal aan xabad ahayn ay ku wajahdo xaaaladda reer Laascaanood, isagoo sheegay in Dowladda Federaalka ah ay mudnaan weyn siinayso xasilloonida, nabadda, adkeynta walaalnimada iyo wada noolashaha dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah bulshada Caasimadda Muqdisho ugu adkeeyay in ay la shaqeeyaan ciidanka oo u heelan fashilinta dhagarta kooxaha argagixisada, isagoo muujiyay sida uu uga xun yahay jidadka la xiray muddadii uu martida u ahaa dalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, taas oo uu ku tilmaamay duruuf ay sababtay xaaladaha amni oo lagaga bixi doono dhameystirka xoreynta deegaanada ay dalka kaga harsan yihiin maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com