Aadan Madoobe “Waxaan ku baaqaynaa in la badbaadiyo dhiigga dadka reer Laascaanood”

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa codkiisa ku biiriyay siyaasiyiinta ku baaqaya in la dejiyo xiisadda maalmihii ugu dambeysay ka soo korortay Magaalada Laascaanood.

Gudoomiyaha oo ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay shaqaaqooyinka ka dhacay magaaladaasi ayaa dhanka kale waxa uu ku baaqay in Somaliland ay wax ka qabato dilka ay ciidamadu u gaysanayaan dadka reer Laascaanood ee bannaanbaxyada sameynaya.

“Marka koowaad waan u tacsiyeynaynaa dadkii ku dhintay shaqaaqadaas meesha ka dhacday Allaha u naxariisto, intii dhaawacantayna Allaha caafiyo.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa yiri “Madaxda Somaliland ee ciidamadaas hoos yimaadana waxaan u jeedinaynaa in is dil dambe iyo nidaam abuuri karo inay ummadda kala fogaato, yacni is naceyb iyo kala fogaansho ka abuurmato in laga fogaado, meeshaas dib-u-heshiisiin dhab ah inay ka galaan.”

Aadan Madoobe ayaa dhinacyada ugu baaqay inay wada hadal ka galaan wax kasta oo keenay xaaladda haatan ka aloosan magaaladaasi.

“Wax alla wixii dhibaatadaas keenayna wada hadal miiska la isugu yimaado, sidaa lagu xaliyo, is dilkana meeshaas nagaga ekaado, baaqaasaa u diraynaa annagoo magaca Golaha Shacabka ku hadlayno.” Ayuu yiri Aadan Madoobe oo maanta ka hadlayay kulanka 6aad, Kalfadhiga 2aad ee Golaha Shacabka.

Aadan Madoobe ayaa intaasi ku daray “Runtii wanaagga, horumarka iyo amniga deegaanadooda ay ka gaareen walaalaheena waan uga mahadcelinaynaa. Arrintan hadda ku soo bilaabatayna ama siyaasad ha keento ama balaayo kale haka abuurmato in meeshaas lagu xakameeyo, ummadda Soomaaliyeed ee meeshaas ku noolna dhiigeeda in la badbaadiyo, taasaa ugu baaqaynaa.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com