Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay Sharciga Miisaaniyadda ee 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay Sharciga Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2023, oo todobaadkii tagay ay ansixiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.

Madaxweynaha oo xusay kororka miisaaniyadda ayaa ku bogaadiyay xukuumadda, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda iyo khubarada dhaqaalaha Soomaaliyeed diyaarinta iyo jaangoynta miisaaniyad waafaqsan hiigsiga qaran ee horumarka, dib-u-dhiska ciidamada iyo xoreynta dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyay Mudaneyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddanaa miisaaniyadda cusub ee dalka oo la kordhiyay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com