Shabaab oo kubaareeyay Magaalada Baydhabo

Mintidiinta Al Shabaab ayaa culeyska ku kordhiyay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, ka dib markii maalin ka hor ay la wareegeen deegaanka Goofgaduud Buurey, oo hoostagga magaaladaasi.

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa horaantii bishan la wareegay deegaanada Deynuunaay iyo Goofgaduud Shabellow, oo muhiim u ahaa amniga Magaalada Baydhabo.

Deegaanadan ayaa ku yaala labada daraf ee Magaalada Baydhabo, iyadoo Shabaabkuna u muuqdaan kuwo ku soo siqaya, culeyskana ku kordhinaya magaaladaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in yoolka Shabaabku uu yahay inay jaraan wadooyinka soo gala Xarunta Gobolka Baay, si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa wixii ka baxaya iyo wixii kale ee magaalada soo gelaya.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa waxaad mooddaa inay saameysay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan magaalada.

Xiisaddan ayaa ka dhalatay muddo xuleedkii Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo dhammaaday iyo mucaaradka oo ka biyo diidan in uu xafiiska sii joogo, iyadoo aan wax doorasho ahi la qaban.

Maleeshiyaad taabacsan Midowga Musharaxiinta ayaa magaalada ka wada abaabul ay isku hubeynayaan, iyagoo markaasi ka feejigan in la weeraro guryaha musharaxiintaasi.

23kii bishan, ciidamada maamulka ayaa weerar xoogan ku ekeeyay hoyga Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti) oo ka mid ah Xubnaha Musharaxiinta Mucaaradka. Weerarkaasi ayaa galaaftay nolosha 12 qof, halka 30 kalena ay ku dhaawacantay.

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda ee Degmada Baydhabo, Maxamed Isaaq Ibraahim (Aflow) ayaa ka digay qorshe uu sheegay in lagu doonayo in lagu weeraro hoyga Shiine Macalin Nuurow oo ka mid ah Midowga Musharaxiinta.

Taliyaha ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in sidoo kale uu socdo isku dayo lagu doonayo in Xabsiga Dhexe ee Baydhabo looga sii daayo maleeshiyaad ka tirsan Shabaab iyo Daacish, kuwaa oo horey ay maxkamadi ugu xukuntay dil iyo xabsi daa’in. Taliyaha ayaa wax nasiib darro ah ku tilmaamay in lacago lagu qaato sii deysmada xubnahaasi.

Haddii la weeraro hoyga Shiine Macalin oo dacalka ku haya xabsigaasi ayaa waxaa la leeyahay waxay wiiqi doontaa dadaalada socda, ee lagu doonayo in maamulka iyo mucaaradkuba uu 5-ta bisha January shir uga furmo magaaladaasi, si xal looga gaaro xiisadda siyaasadeed ee ku soo korortay Koonfur Galbeed.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Baydhabo ayaa ka baqdin qaba in mar kale lagu dul dagaalamo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com