Gudoomiye Jeyte oo la guddoonsiiyay billadda hoggaamiyaha ugu wanaagsan ee 2022

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xalay la guddoonsiiyay billadda hoggaamiyaha ugu wanaagsan ee sanadka 2022.

Gudoomiyaha ayaa waxaa billaddan guddoonsiisay Madasha Somali Leadership Awards, ka dib munaasabad ka dhacday Hotel Jazeera, isagoona ku muteystay doorkiisa hoggaamineed ee hawlgalada dib-u-xoreynta dalka.

Gudoomiyaha ayaa bishii September lafdhabar u noqday kacdoonka shacabka ee ka bilowday Gobolka Hiiraan, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay dileen dad safar ahaa, dabna ay qabadsiiyeen gaadiid ganacsi. Kacdoonka ayaa markii dambe ku fiday gobolada dalka qaarkood, waana kacdoonka ay Dowladda Federaalka kaga faa’iideysatay inay dardargeliso dagaalka ka dhanka ah maleeshiyadaasi.

Gudoomiyaha shaqadiisa kuma koobna xoreynta oo keliya, balse waxa uu sidoo kale hormuud ka yahay dadaalada lagu xasillinayo deegaanada gobolkaasi ee laga saaray Shabaabka hubeysan.

Cali Jeyte Cismaan, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa ummadda Soomaaliyeed uga mahadceliyay garashada iyo dhiirigelinta mugga leh ee ay u sameeyeen.

Jeyte ayaa sheegay in wax kasta ay Alle xaggiisa ka ahaadeen, keliya ay iyagu sameeyeen dadaalo miro-dhalay, isaga oo intaasi ku daray in hawlgaladu ay bilow uun yihiin, lana sii wadi doono gulufka dib loogu soo celinayo rajada shacabka Soomaaliyeed.

Hawlgalada Gobolka Hiiraan ayaa furre u noqday in maanta kooxaha argagixisada laga sifeeyo, inta badan dhulkii ay ka maamulayeen deegaanada Hirshabelle.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com