Barre oo la kulmay Guddiga Doorashooyinka ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Dhallinyarada & Cayaaraha, Maxamed Barre Maxamuud iyo Guddiga Doorashooyinka ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed.

Raysal Wasaaraha ayaa kala hadlay masuuliyiinta cayaaraha dhawr arrimood oo muhiim ah, oo ku saabsan Doorashada Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo la filayo in dhawaan la qabto iyo sidii fursado loogu abuuri lahaa dhallinyarada ku sugan goobaha laga xoreeyay maleeshiyada Al Shabaab.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in guddiga looga fadhiyo inuu qabto doorasho daahfuran oo caddaalad ku dhisan, iyadoo la raacayo shuruucda u degsan xiriirka, wuxuuna tilmaamay in aan la aqbali karin is barbaryaac, isaga oo kula dardaarmay guddiga in ay ka feejignaadaan dhinac gaar ah in ay la saftaan.

Raysal Wasaare Barre ayaa sheegay in rajo weyn laga qabo dhallinyarada 17 jirka ah ee guusha soo hooyay, isla-markaana aan loo baahneyn in lagu niyad-jebiyo is qabqabsi fursadaha jira lumiya.

Raysal Wasaare Barre ayaa xusay in wasaaradda iyo xiriirka laga doonayo abaabulka cayaaro iyo is dhexgal bulshada iyo dhallinyarada ku sugan dhulka la xoreeyay, isla-markaana jiilalka soo kacaya loo dhiso garoomo ay ku ciyaaraan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com