Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday ciidamadii laga soo celiyay Eritrea (SAWIRRO)

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xerada General Gordan ee Magaalada Muqdisho ku booqday Ciidanka Xoogga Dalka ee tababarka ku soo qaatay dalka Eritrea.

Madaxweynaha ayaa faray in ay u diyaargaroobaan ka qaybgalka hawlgalada dalka looga xoreynayo maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Qaybta Ilaalo Qaran, gaar ahan Gaaska koowaad ee Duufaan ayaa la wadaagay rajada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan in ay dhameystiraan hawlgalada dalka looga cirabtirayo kooxaha argagixisada.

“Aniga iyo shacabka Soomaaliyeedba waan ku faraxsanahay dib u soo laabashadiina. Maanta wixii ka dambeeya waxaan galeynaa diyaargarow iyo dhaqaaq aan ku wajahayno cadowga. Waxaan rabnaa in hawgalka cusub ee deegaanada dhiman lagu xoreynayo uu ka degdeg bato kii hore, muddo koobana lagu soo afjaro.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay Dowladda Eritrea garab istaagga ay u muujisay shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed waqtiga adag ee lagu jiro dib-u-xoreynta dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com