Shabaab oo shacab ka qafaashay Gobolka Hiiraan

Faah faahino ayaa ka soo baxaya dad shacab ahaa oo labadii maalmood ee ugu dambeysay ay maleeshiyada Al Shabaab ka qafaasheen deegaano dhaca jiinka koonfureed ee Webiga Shabelle, iyadoona aan la garanayn halka ay geeyeen.

Wararka ayaa sheegaya in Shabaabku oo ka soo tallaabay webiga oo biyo yareeyay ay dadkaasi ka afduubteen Beerxaano iyo aagga Trejante, oo hoostagga Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadkaasi ay markii hore ula dhaqaaqeen deegaanada dhaca daanta galbeed ee webiga, isla-markaana ay uga sii gudbiyeen goobo aan la garanayn.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Shabaabku ay dadkaasi oo 20 qof gaaraya ku eedeynayaan inay la shaqeynayeen Ciidanka Xoogga Dalka, qaarkoodna loo qorayay inay ka mid noqdaan xoogaga Macawiisleyda ee dagaalka kula jira.

Dadkan oo dhammaantood rag ahaa ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay isugu jiraan beeraley iyo dad xoolo dhaqato ah.

Tani ayaa baqdin ku abuurtay shacabka ku dhaqan deegaanada koonfureed ee webiga, halkaasoo ay ka soconayaan abaabul iyo diyaargarow lagu doonayo in maleeshiyada Shabaabka looga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin dhanka galbeed ee webiga.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo leh abaabulka iyo dardargelinta hawlgalada ka dhanka ah Shabaabka gobolkaasi ayaa daba-yaaqadii bishii December kormeeray deegaanada koonfureed ee webiga, isagoona saad iyo sahayba gaarsiiyay ciidamada ka ag-dhow hareeraha webiga.

Gulufka ku wajahan galbeedka webiga ayaa lagu sheegay kiisii ugu dambeeyay ee Shabaabka looga saarayo dhulka ay baaqiga kaga yihiin gobolkaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya kuwa deegaanka ayaa horey ula wareegay, inta badan deegaanadii ay Shabaabku ka maamulayeen gobolkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com