Wararkii ugu dambeeyay xiisadda Magaalada Laascaanood

Xaaladda Magaalada Laascaanood ayaa maanta u muuqatay mid degan, inkastoo meelaha qaarkood ay ka dhaceen isku dhacyo u dhaxeeyay ciidanka amniga iyo dadka bannaanbaxyada sameynaya.

Bannaanbaxyadan oo markii hore u muuqday kuwo looga soo horjeedo dilalka ka dhanka ah dadka haldoorka ayaa markii dambe isku bedelay mid lagu diidan yahay joogitaanka Ciidamada Somaliland ee Gobolka Sool.

Kulan ay maanta odayaasha iyo waxgaradka reer Laascaanood ku yeesheen magaalada ayaa laga soo saaray baaq Somaliland looga dalbanayo in ay isaga baxdo gobolkaasi.

Waxay baaqooda ku sheegeen inaanay Somaliland xoog ku haysan karin gobolka, ayna tahay in ay isaga baxdo.

Magaalada ayaa maalintii 7aad kala xarin, waxaana weli xiran goobihii ganacsiga ee magaaladaasi. Sidoo kale dadka deegaanka qaarkood ayaa ka barakacaya guryahooda.

Dhanka kale Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo mar kale maanta ka hadlay xiisadda ka taagan magaaladaasi ayaa xaaladdeeda ku tilmaamay nasiib darro weyn oo ku soo korortay Somaliya, xilli dalka uu dib u soo kabanayay.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inaanay Puntland aqbali doonin in dadkeeda lagu laayo Magaalada Laascaanood, isagoona dilalka dadka rayidka ku sheegay kuwo qorsheysan oo Somaliland ay ka dambeyso, sida uu yiri.

Madaxweyne Deni ayaa ku hanjabay in Puntland ay qaadi doonto tallaabo ay ku badbaadineyo dadkeeda, haddii aanay Somaliland dhageysan codka dhaqanka.

“Dowladda Puntland waxay diyaar u tahay dadkeeda inay ka difaacdo xadgudub kasta, ilaaliso sharaftooda, dhowrto xuquuqdooda madaniga ah iyo inay ilaaliso sidii ay ugu noolaan lahaayeen nolol karaamo leh.” Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ayaa yiri “Puntland waxay diyaar u tahay tallaabo kasta, xilliga munaasabadka ku ah inay qaaddo oo suurtagal ah.”

Deni ayaa ugu dambayn Beesha Caalamka ugu baaqay inay go’aan cad ka qaadato xasuuqa Magaalada Laascaanood loogu gaysanayo sida uu yiri dad codkooda iyo dareenkooda dhiibanaya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com