Guddoonka Golaha Shacabka oo guddi u magacaabay shaqaaqooyinka Laascaanood

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa magacaabay guddi gaar ah oo warbixin ka soo diyaariya shaqaaqooyinka ka socda Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Guddigan ayaa ka kooban 10 xubnood oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, kuwaa oo ay tahay inay warbixin ka soo diyaariyaan shaqaaqooyinkaasi, oo ay ku dhinteen illaa toban qof, halka in ka badan soddon kalena ay ku dhaawacantay.

Dadka reer Laascaanood ayaa maalmihii ugu dambeysay magaalada ka waday bannaanbaxyo ka dhan ah dilalka in dhawaalaba magaaladaasi loogu gaysanayay dadka haldoorka ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com