Madaxweynaha Somaliland oo si adag ugu jawaabay Madaxweynaha Puntland

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa mar kale waxa uu maanta ka hadlay xiisadda ka taagan Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Ka dib markii uu soo geba-gaboobay shir looga hadlayay shaqaaqooyinka ka socda Laascaanood ayaa waxa uu Madaxweynuhu sheegay in Somaliland ay ku filan tahay xalinta shaqaaqooyinkaasi.

“Waxaanu ka shirnay dhibaatada weli ka taagan Laascaanood sidii loo xalin lahaa, waxaana isla garanay in Somaliland ay ku filan tahay howlaheeda oo xalin karta arrimahaa.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo ka hadlayay Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaanu mar labaad aanu u diraynaa tacsi dadkii ku dhintay mudaaharaadyadaasi ee shacabka ahaa, oo si kedis oo lama filaan ah arrintaasi ay Somaliland uga dhacday. Aad iyo aad baan uga xunahay, haddaanu Madaxdii Qaranka nahay.”

Waxa uu intaa raaciyay “Arrintaana, haddii Alle idmo waa laga howlgeliyaa sida ay wax u dhaceen. Maanta waxa noo yaalla ee aanu ka howlgelaynaa in nabad Magaalada Laascaanood dadku ku deggaan, annagoona arrintaa qaybteeda ugu weyn kala shaqeynayna waxgaradka, haldoorka iyo dadka degan Laascaanood.”

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamadu ay magaalada ka bixi doonaan, marka ay xaaladeeda soo hagaagto.

“Marka nabadda la xaliyo ee magaalada furanto ee dadku howlgalaan, ciidamaduna way ka baxayaan. Ciidamadu uma joogaan inay dadku caburiyaan iyo inay dadkooda dhibaan midna, waa kuwii dadkooda daafacayay. Sidaa darteed shacabka farriinta aanu u diraynaa waxaa weeye nabaddii magaalada soo celiya.” Ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Madaxweynaha ayaa Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland ku eedeeyay inay dagaal iclaamiyeen, xilli sida uu yiri aan maanta laga fileynin.

“Waxaa hadlay oo dagaal iclaamiyay Madaxweynaha Puntland iyo Kuxigeenkiisa, maanta kol-laba lagama fileynin inay Puntland dagaal ku iclaamiso Somaliland ayaanu soo weeraraynaa. Dhibaatooyin badan baa labadeenaba ina haysta, maanta annagu waxaanu u taaganahay nabad iyo jaar wanaag, waxaanu leenahay dagaal laguma faa’iidee ka joog, haddiise aad ka fursan weydo oo weerarkaa aad soo qaadana, wixii aad ka heshaa leedahay.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweyne Biixi ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay gadaal ka riixeyso weerarka uu Madaxweyne Deni iclaamiyay, waxaa u daliil ah buu yiri maanta Golihiisa Shacabka inta uu fariistay ayuu guddi u soo saarayaa arrinta Somaliland.

“Taasi waxay marqaati ka tahay in dowladda Xamar ka dhisan maanta ay ka bareertay in Somaliland ay weerar ku qaaddo, waxa kuu kordha iyo waxa aad istaahishaba diyaar baanu u nahay.” Ayuu yiri Madaxweyne Biixi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com