Madaxweynaha Somaliya oo kulan sagootin ah la qaatay Danjiraha Itoobiya

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Danjiraha Dowladda Itoobiya u fadhiyay dalka, Danjire Cabdifataax Cabdullaahi Xasan oo uu dhammaaday muddo xileedkiisa diblomaasiyadeed ee uu ku joogay Somaliya.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay Danjire Cabdifataax, doorka uu ka qaatay xiriirka iyo iskaashiga labada dal, waxa uuna u rajeeyay mustaqbal wanaagsan.

Dhankiisa, Danjiraha oo Madaxweynaha uga mahadceliyay kulankan ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblomaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga diblomaasiyadeed ee ay la leeyihiin dalalka caalamka, gaar ahaan dalalka gobolka, si danaha dadka Soomaaliyeed loogu gaaro iskaashi iyo wax la qabsiga dalalka kale ee caalamka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com