Wararkii ugu dambeeyay guluf ballaaran oo ku wajahan Degmada Xarardheere

Wararka ka imaanaya Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay bilaabeen in ay isaga baxaan degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in maalin ka hor ay Shabaabku ku dagaalameen degmadaasi, ka dib markii ay isku khilaafeen inay isaga baxaan degmada iyo in ay iska difaacaan gulufka kaga soo wajahan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Saraakiil ka tirsan Shabaabka iyo ilaaladooda ay doomo uga baxeen degmadaasi, isla-markaana ay haatan ku harsan yihiin maleeshiyada sida booliska oo kale u tababaran ee Xisbada loo yaqaano. Sidoo kale dagaal-yahanada Shabaabka ayaa lagu arkayaa duleedyada degmadaasi oo difaacyo ay ku leeyihiin, mana cadda inay dagaalami doonaan iyo in ay ku daba feeli doonaan kuwa degmadaasi baneynaya.

Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo maleeshiyaad deegaanka ah, oo ay qayb ka yihiin Xerta Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ayaa dhaqdhaqaaq xoog leh ka wada Degmada Wisil, iyagoona isku diyaarinaya hawlgalka lagu xoreynayo Degmada Xarardheere.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Abshir Cabdi Shiikhow ayaa sheegay inay hayaan xogta ku aaddan ka bixista maleeshiyada Shabaabka ee Xarardheere.

Wasiirka ayaa tilmaamay in deegaanada Galmudug ay si dardar leh uga socdaan hawlgalada dib-u-xoreynta dalka, waxaana uu hawlgalkan ku qeexay midkii ugu dambeeyay ee xididada loogu siibayo Shabaabka muddada shan iyo tobanka sano ku sugnaa qaybo ka mida Gobolada Dhexe.

Ciidamada ayaa gulufkan ku xoreynaya dhulka Shabaabka ka maamulaan Galmudug. Axaddii oo ugu dambeysay waxay ciidamadu la wareegeen deegaanka Masagawaa oo hoostagga Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com