Faah faahin: Weerar qaraxyo ku bilowday oo ka dhacay Degmada Maxaas

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa saaka weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Weerarka oo laba qarax oo ismiidaamin ahaa ku bilowday ayaa mid ka mida lala eegtay hoyga Gudoomiyaha Degmada Maxaas, Muumin Maxamed Xalane, halka kan kalena uu ka dhacay guriga uu degmadaasi ka degan yahay Xildhibaan Maxamed Abuukar Cali (Jacfar), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, inkasta oo xilligii uu qaraxu dhacayay uu guriga ka maqnaa.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in qaraxyadaasi loo adeegsaday gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay, dad badanina ay ku dhinteen.

Gudoomiyaha Degmada Maxaas ayaa xaqiijiyay in mid ka mida qaraxyadaasi uu ka dhacay afaafka hore ee hoygiisa, kan kalena lagu hor qarxiyay guriga Xildhibaan Jacfar, sida uu yiri.

“Khasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa jira, tira-koob rasmi ahna ma hayno, waanu soo sheegi doonnaa hadduu Alle yiraahdo.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu xaqiijiyay in maleeshiyada Al Shabaab ay weerareen xero ay ciidamadu ku leeyihiin deegaanka Ceelriig ee duleedka degmadaasi, isla-markaana ay ciidamadu dib u caabiyeen maleeshiyadii weerarka soo qaaday.

Qaraxyada ka dhacay gudaha degmada oo kuwa xoogan ahaa ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhintay shan iyo toban qof, halka in ka badan toban kalena ay ku dhaawacantay. Khasaaraha ayaana ka badan kara inta laga warqabo.

Weerarkan ayaa imaanaya, xilli degmadaasi uu ka jiray abaabul iyo diyaargarow ciidan, oo ku wajahnaa deegaanada ay Shabaabku kaga sugan yihiin bariga Gobolka Galgaduud, waana gulufka ciidan ee qaybta ka ah hawlgalada la qorsheynayo in lagu xoreeyo deegaanada Galmudug.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com