Madaxweyne Guudlaawe oo war ka soo saaray qaraxyadii Degmada Maxaas

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa tacsi u diray qoysaska iyo qaraabada dadkii ku dhintay qaraxyadii saakay ka dhacay Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa qoraal ku sheegay in maleeshiyada Al Shabaab ay dhaqan u leeyihiin inay qaraxyo ku weeraraan goobaha ay bulshadu isugu timaado.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Khawaarijtu waa u dhqan in qaraxyo ay ku weeraraan goobaha ay isugu yimaadaan shacabka, marna kama niyad-jabi doono ciribtirka khawaarijta.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa xusay in maleeshiyada Shabaabka ay cadow ku yihiin nolosha iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed, isagoona shacabka ugu baaqay in ay ka qayb qaataan hawlgalada dalka looga xoreynayo maleeshiyadaasi, bacdamaa ay dhibaateynayaan.

Shan iyo toban qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhimatay qaraxyadaasi, halka in ka badan toban kalena ay ku dhaawacantay.

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxyadaasi ayaa sheegtay inay ku dishay 87 askari, 130 kalena ay ku dhaawacmeen.

Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegatay in maleeshiyadeeda ay dagaal kula wareegeen saldhiggii ciidamada ku lahaayeen deegaanka Dudun-cad ee duleedka Degmada Maxaas.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com