Madaxweynaha Hirshabelle oo la kulmay Madaxda Hawlgalka ATMIS

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Wakiilka Midowga Afrika ee dalka ahna Madaxa Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (ATMIS), Danjire Mohammed El-Amine Souef.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Hirshabelle, gaar ahaan hawlgalada ka socda deegaanada maamulkaasi ee lagu doonayo in lagu wiiqo maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweynaha ayaa Danjire Souef ka guddoomay dhambaal tacsi ah, ka dib qaraxyadii shalay ay maleeshiyadaasi ka gaysteen Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa sidoo kale Danjiraha kala hadlay xoojinta doorka Midowga Afrika ee dardargelinta hawlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com