Tirada dadka ku dhintay qaraxyadii Maxaas oo korodhay

Waxaa kordhay khasaaraha nafeed ee ka dhashay qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Tirada dhimashada ayaa gaartay 35 ruux, halka dhaawacuna uu sii caga-cageynayo 50 qof. Dadka qaba dhaawacyada culus ayaa loo qaaday Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa sheegay in labada qarax ee ismiidaaminta ah ee ka dhacay degmadaasi aanay ka horjoogsan doonin hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa isna sheegay in ay sii wadi doonaan gulufka maleeshiyadaasi lagaga sifeynayo deegaanada ay kaga harsan yihiin gobolkiisa.

Qaraxyadan ayaa noqonaya kuwoodii ugu khasaaraha badnaa ee ay Shabaabku sanadkan ka gaystaan dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com