Wasiir Jaamac oo booqday dhaawacyada qaraxyadii Zoobe 2 ee Emirate-ka loo qaaday

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo booqasho ku jooga Magaalada Abu Dubai ayaa kormeeray Isbitaalka Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Emirate-ka Carabta, halkaas oo lagu dabiibayo qaar ka mid ah dhaawacyadii ugu cuslaa ee qaraxyadii Zoobe 2.

Wasiirka ayaa mid mid ah u booqday bukaanada, isagoo u kuurgelayay daryeelka caafimaad ay heleen muddadii la dabiibayay.

Wasiir Jaamac ayaa Dowladda Emirate-ka Carabta iyo Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalkaasi kaga mahadceliyay daryeelka hagar la’aaneed ay u fidinayaan bukaanada Soomaaliyeed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com