Xasan Sheekh oo shir guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada (SAWIRRO)

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, oo looga hadlay hirgelinta qorsheyaasha wax-qabadka hay’adaha dowladda ee sanadka 2023.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku bogaadiyay Golaha Wasiirada diyaarinta qorshe sanadeedka waafaqsan hiigsiga qaran ee horumarka, xoreynta dalka iyo dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka ayaa mar kale adkeeyay in sanadkan uu yahay sanadka dib-u-xoreynta dalka iyo dhameystirka dhismaha hay’adaha dowladda.

Madaxweynaha oo xusay ahmiyadda qorsheyaasha sanadkan loo madlan yahay hirgelintooda ayaa faray Golaha Wasiirada in si masuuliyad wadareed ah ay waajibaadkooda u gutaan, iyaga oo mudnaan gaar ah siinaya isla xisaabtanka, si loo xaqiijiyo himilooyinka ay muddada dheer ku taamayaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale ka dalbaday Golaha Wasiirada in si degdeg ah loo gaarsiiyo adeegyada dowladda deegaanada laga xoreeyay maleeshiyada Al Shabaab, iyadoo la hubinayo tayada mashaariicaha dalka laga fulinayo in ay yihiin kuwo waxtar waara u leh bulshada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com