Dagaal faraha looga gubtay oo ka dhacay deegaanka Hilowle Gaab

Faah faahino ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo saakay ka dhacay deegaanka Hilowle Gaab ee Gobolka Shabellaha Dhexe, kuna dhow xadka uu gobolkaasi la wadaago Gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay deegaankaasi ku qaadeen weerar uu qaraxyo ku bilowday, waana deegaanka Hilowle Gaab oo bishii December laga saaray maleeshiydaasi.

Qaraxyo mataano ahaa oo deegaankaasi gilglay ayaa waxaa xigay Shabaab lugeynaya oo labo jiho ka weeraray saldhigyada Ciidamada Dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ku leeyihiin deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay si weyn isaga caabiyeen maleeshiyadaasi, laba saacadood ka dibna ay ku khasbeen in ay deegaanka ka wada baxaan.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay u hareen deegaanka, ciidamada qaybtoodna ay ku daba joogaan firxadka maleeshiyadii weerarka soo qaaday.

Inta la xaqiijiyay toban qof oo ay ku jiraan Saraakiil ciidan ayaa ku dhintay dagaalkaasi, halka in ka badan shan iyo toban kalena ay ku dhaawacantay.

Waa weerarkii 2aad ee ugu khasaaraha badnaa, ee ay Shabaabku sanadkan ka gaystaan deegaanada Hirshabelle. 4-tii bishan ayay ahayd markii weerarkii ugu khasaaraha badnaa ay ka gaysteen Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, kaasoo ay ku dhinteen 35 qof, halka 50 kalena ay ku dhaawacantay.

Shabaabka oo uu guluf kaga furan yahay deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug ayaa isku dayaya in ay ka gaystaan weeraro aargudasho ah.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa horey ula wareegay, inta badan dhulkii ay Shabaabku ka maamulayeen Gobolada Shabellaha Dhexe & Hiiraan iyo qaybo ka mida Gobolka Galgaduud.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com