Madaxweynaha Hirshabelle oo sheegay inay dardargelinayaan dagaalka Shabaab

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ku hanjabay in ay dardargelin doonaan dagaalka mintidiinta Al Shabaab lagaga xoreynayo labada gobol ee maamulkaasi, ka dib weerarkii maleeshiyadaasi ay saakay ka gaysatay deegaanka Hilowle Gaab ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyay geerida ciidamadii iyo saraakiishii lagu dilay weerarkaasi, oo masuuliyaddiisu ay Al Shabaab sheegatay.

Madaxweynaha ayaa war ka soo baxay xafiiskiisa waxa uu ku sheegay in maleeshiyada Al Shabaab lagu jebiyay weerarka ay ka gaysteen deegaankaasi, oo ku dhow xadka Gobolka Shabellaha Dhexe la wadaago Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qayb qaataan dhameystirka buu yiri cadowgan u taagan baabi’inta shacabkeenna.

Waa weerarkii 2aad oo muddo toddobaad ah ay Shabaabku ka gaystaan deegaanada Hirshabelle. Arbacadii laba qarax oo ismiidaamin ahaa oo ay ka gaysteen Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ku dhintay 35 qof, halka 50 kalena ay ku dhaawacantay.

Gulufka daba-yaaqadii sanadkii hore ka bilowday deegaanada Hirshabelle ayay Shabaabku ku lumiyeen, inta badan dhulkii ay ka maamulayeen deegaanada Hirshabelle.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com