Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay xiisadda Magaalada Laascaanood

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka hadlay xaaladda ka taagan Magaalada Laascaanood, isagoo dhanka kalena baaq u jeediyay dadka deegaanka iyo Xukuumadda Somaliland.

Madaxweynaha oo Salaaddii Jimcaha ka dib ka hadlayay Masjidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka ayaa sheegay in Soomaalida uu dhib oo dhan ugu filan yahay kan maleeshiyada Al Shabaab, isla-markaana aan loo baahnayn dhibaato kale oo dhexdeeda ah.

“Tan Shabaab ayaa dhib noogu filan, mid kaloo dhexdeena ah mid la aqbali karo ma ahan.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo intaasi ku daray “Tamar iyo waqti aan naga go’in inay nooga baxaan Cali iyo Jaamac ha is dilina iyo is dhaafa, wax sax ah ma ahan.”

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan rabaa halkan inaan baaq uga jeediyo dadka reer Laascaanood iyo Somaliland, intaas aan sheegayay uun bay ayaguna ku dhex jiraan. War xilligeedii ma ahan, xilli la is dilo ma ahan, 32 sano ka bacdi inaan is dilno sax ma ahan.”

Waxa kaloo uu yiri “Dowladda Somaliland waxaan ugu baaqayaa qoriga xalka kuma jiro’e ee dadka qoriga inta laga daayo, dadka dad la hadlo haloo soo diro. Dadka dad la hadlo oo hadalkooda ay dhageysanayaan weliba haloo soo diro, calool waxay ku bukootay, laguma daweeyaa la yiraahdaa.”

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa yiri “Dadkaasi dhibaatada haysataa iyo waxa meeshaa ka dhacayay way na dhibayaan, waan ka damqanaynaa, waa dad Soomaaliyeed, meel kastoo ay Soomaali ku nooshahayna dhibaatada gaartaahi waan ka damqanaynaa.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadka reer Laascaanood ugu baaqay “Dadka reer Laascaanood adinku nafsadiina talo u soo istaaga, oo cunfiga, colaadda iyo hadalada dhibka badan ee Warbaahinta iyo meelaha la marsiinaayaahi hala joojiyo, waxba nooma soo kordhinayaan, waxba nooma daweynayaan.”

Waxa uu intaasi raaciyay “Masuuliyiinta Dowladda Somaliland-na waxaan leenahay, bal sidaan si aan ahayn halagu dayo. Geel duday dhexdiisa waxaro lagama qabto ayaa la yiri, dadku hadday kacaan si loola dhaqmaa jirto’e ee ciidan ma ahan sida loola dhaqmayo.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay inaanay wax siyaasad ahi ka lahayn Laascaanood, balse ay daneynayaan oo keliya, sidii dadka magaaladaasi ay u heli lahaayeen maamul, hoggaan iyo amni.

“Siyaasad noogama jirto, wax kale noogama jiraan dadkaasi inay degenaadaan, maamul, talo, hoggaan iyo amni inay helaan waaye waxaan ka daneynayno. Waa laga yaabaa warkaygaasi in dad badani ay si kale u fasiraan, sida marar horoo badanba dhacday, laakiin haddana inaan dhahno ka xishoon mayno.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com