Gudoomiye Jeyte oo Muqdisho kula kulmay Wasiirka Korontada & Biyaha

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo toddobaadkii 2aad ku sugan Caasimadda Muqdisho ayaa ka wado kulamo la xiriira, sidii deegaanada la xoreeyay looga hirgelin lahaa nidaamka dowladnimada.

Gudoomiyaha ayaa maanta oo ugu dambeysay waxa uu magaalada kula kulmay Wasiirka Wasaaradda Korontada & Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka, Jaamac Taqal Cabaas, oo ay wehliyaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Maxamed Cabdullaahi Faarax, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda, Ibraahim Maxamed Cali iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud.

“Gudoomiyaha ayaa soo bandhigay qorshaha horumarinta leh ee ay u baahan yihiin degmooyinka iyo deegaanada laga xoreeyay argagixisada Al Shabaab ee u baahan adeegga Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta, si loo kabo baahiyaha ceelasha kaydinta biyaha faa’iidada leh fa faa’iideysiga khayraadka iyo sidii loo horumarin lahaa deegaanada Gobolka Hiiraan.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Gudoomiye Jeyte.

Warka ayaa lagu sheegay “Wasiirka iyo Xubnaha Wasaaradda ayaa si wadajir ah u aqbalay codsiga Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, ayagoo xusay in la dardargelin doono shaqada ay waddo Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha ee Gobolka Hiiraan, si loo daboolo baahida deegaanada.”

Gudoomiye Jeyte ayaa waxaa kulankan ku wehlinayay Gudoomiye Kuxigeenka Federaalka & Dib-u-heshiisiinta, Maxamed Maxamuud Dhoobey iyo Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan, Liibaan Cabdi Cumar.

Nagala soo xiriir dchacdo@gmail.com