Madaxweyne Xasan Sheekh oo xil u magacaabay Wasiir hore

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Cabdullaahi Maxamed Nuur in uu noqdo La taliyaha sare ee Madaxweynaha ee ka hortagga iyo la dagaalanka fekradaha xagjirka ah ee rabshadaha wata.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryay La taliyaha sare ee ka hortagga iyo la dagaalanka fekradaha xagjirka ah in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u igmaday.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa horey u soo noqday Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Federaalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com