Raysal Wasaaraha oo daahfuray kacdoonka haweenka Muqdisho (SAWIRRO)

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa gelinkii dambe ee maanta Magaalada Muqdisho ka daahfuray kacdoonka haweenka Muqdisho ee ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Kacdoonkan oo ay gadaal ka riixeyso Wasaaradda Haweenka & Xuquuqul Insaanka ayaa ah mid looga dan leeyahay in lagu beegsado firxadka Shabaabka ee soo gelaya magaalada.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in hablaha iyo haweenka ku dhaqan Caasimadda Muqdisho ay ku filan yihiin soo qabqabashada Shabaabka ku dhex dhuumanaya shacabka.

Raysal Wasaaraha ayaa tilmaamay in doorka haweenka Soomaaliyeed ee sugidda amniga Muqdisho uu yahay mid muhiim ah, maadaama dumarku ay lafdhabar u yihiin bulshada.

Villa Somalia ayaa fahamsan in maleeshiyada Shabaabka ee dagaalada looga soo saarayo gobolada dalka ay soo gelayaan Caasimadda Muqdisho, oo ay u arkaan goob ay gabaad ka dhigan karaan, oo dadka degana aysan is aqoon, isla-markaana ay ka gaysan karaan falal amni darro.

Bishii December, Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa kordhisay tirada xoogaga dharcadka ee qaabka qarsoon uga hawlgala xaafadaha 17-ka degmo ee magaalada, ka dib weerarkii 27-kii bishii November ay dableyda Al Shabaab ka tirsan ka gaysatay Hotel Villa Rays oo ku dhow Xarunta Madaxtooyada Qaranka.

Photographer: Abdishukri Haybe
Photographer: Abdishukri Haybe

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com