Shabaab oo iska diiday wada hadal ay la furaan Dowladda Federaalka

Ururka Al Shabaab ayaa haadaan ka tuuray rajadii ay dadka qaarkii ka qabeen in mustaqbal dhow ay wada hadalo u furmi doonaan Dowladda Federaalka iyo ururkaasi, si looga gudbo xaaladda amni ee dalka ka jirta.

Sarkaal ka tirsan Al Shabaab ayaa meesha ka saaray warka Jimcihii ka soo yeeray Wasiir Kuxigeenka Gaashaandhigga, Xildhibaan Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ee ahaa in Shabaabku wada hadal dalbadeen.

“Ma aanan arkin hadalka aad sheegeyso ee ka soo yeeray ninka ka tirsan Baaralamaanka, balse waxaan kuu xaqiijinayaa inaysan jirin wax wada hadal ah oo naga dhaxeeya ama naga dhaxeen kara annaga iyo dowladda.” Ayuu yiri Sarkaalkan oo magaciisa la sheegin, lana hadlay Somalimemo.

Shabaab ayay sanadkii hore u ahayad kiisii ugu xumaa, muddadii shan iyo toban sano ah ee ay dalka ka dagaalamayeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 1-dii bishan ku dhawaaqay in dowladdiisu ay sanadkan dalka ka ciribtiri doonto maleeshiyada Al Shabaab.

Muqdisho ayaa ku duuleysa garbaha Ankara iyo Washington, waana labada xukuumadood ee Villa Somalia ka taageeraya weerarada dhanka cirka, ee qaybta ka ah gulufka ballaaran ee kooxaha argagixisada lagu wiiqayo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com