Taliska Militariga oo heegan geliyay ciidamada ku sugan deegaanada la xoreeyay

Wararka ka imaanaya Gobolada Shabellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud ayaa sheegaya in heegan buuxa la geliyay ciidamada ku sugan deegaanada goboladaasi ee dhawaan laga saaray maleeshiyada Al Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu Saraakiisha halkaasi ku sugan faray in ay ciidamadu feejignaadaan, isla-markaana ay ka hortaggaan dhagarta kooxaha argagixisada, iyagoo markaasi joogteynaya hawlgalada iyo roondooyinka amni xaqiijinta ah, ka dib weeraradii ay maleeshiyada Al Shabaab ka gaysteen Degmada Maxaas iyo deegaanka Hilowle Gaab ee Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu farriintaasi mid la mid ah la wadaagay Saraakiisha Militariga ee ku sugan deegaanada Masagawaa iyo Qaayib ee Gobolka Galgaduud, horeyna looga saaray maleeshiyadaasi.

Baaqan ka soo baxay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa ah mid dersi lagaga kororsanayo labadii weerar ee ugu dambeeyay iyo kuwii ka sii horreyay, ee ay Shabaabku billihii October iyo November ka gaysteen deegaanada Yasooman iyo Qaayib.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu fahamsan yahay in ay Shabaabku isku dayayaan inay curyaamiyaan guulaha laga gaarayo gulufka ballaaran ee lagaga saarayo degmooyinka iyo deegaanada ay ka maamulaan gobolada dalka qaarkood.

Sanadkii dhammaaday ee 2022 ma ahayn sanad u wanaagsanaa Shabaabka, haddii ay lumiyeen dhul ballaaran oo muddo dheer ay ka arriminayeen.

Dagaalka uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iclaamiyay 3-dii bishii June ayaa la dardargeliyay bishii September, ka dib markii ay maleeshiyada Shabaabku dileen dad safar ahaa, dabna ay qabadsiiyeen gaadiid ganacsi oo ku socdaalayay waddada xiriirisa Beledweyne iyo Maxaas, kaasoo xudun u noqday kacdoonka dadweyne ee ka curtay Gobolka Hiiraan, kuna fiday deegaanada kale ee Hirshabelle iyo Galmudug qaybteed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com