Madaxweyne Laftagareen oo sameeyay magacaabistii 2aad

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa u magacaabay Cismaan Macalin Cabdi Ibraahim in uu noqdo La taliyaha Xafiiska Madaxweynaha ee Golaha Wakiilada.

Warqad goor dambe oo xalay ahayd ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Laftagareen ee Magaalada Baydhabo ayaa lagu shaaciyay magacaabistan.

Waa magacaabistii labaad ee Madaxweyne Laftagareen uu sameeyo, tan iyo markii uu muddo xileedkiisa dhammaaday 19-kii bishii December.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com