Wasaaradda Gaashaandhigga oo soo saartay awaamiir cusub

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa soo saartay awaamiir lagu xoojinayo heerka feejignaanta ee ciidamada ku sugan deegaanada laga xoreeyay maleeshiyada Al Shabaab, loogana hortaggayo weerarada maleeshiyadaasi.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa marka hore sheegay in guulaha laga gaaray hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab ay bilow wanaagsan u yihiin qorshaha looga ciribtirayo dalka oo dhan.

“Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo isla Wasaaradda Gaashaandhigga ah, waxay marka koowaad xaqiijiyeen waajibaad ballaaran ayagoo kaashanaya shacabkooda, gaar ahaan ciidanka difaaca shacabka, guulo badan baa la gaaray, dhul badan baana la xoreeyay. Shaqo bilow ah oo aad iyo aad u fiican baa la sameeyay, oo keeni karta dhammaan in Al Shabaab iyo Khawaarijta laga xoreeyo dalka Somaliya.” Ayuu yiri Afhayeenka oo Warbaahinta Qaranka la hadlay.

Afhayeenka ayaa yiri “Hawlgal kasta oo la sameeyo waxaa jira waxyaabo yaryar oo soo baxaya, oo u baahan in laga feejignaado, cadowga mar kasta oo aad jebiso magrigiisa iyo dhagar buu kuu maleygayaa.”

Waxa uu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka, marka ay deegaan xoreeyaan ay tahay in ay kala baxaan, oo kuwa militariga ay goobo cayiman difaac ka dhigtaan, kuwa kalena ay xaqiijiyaan amniga deegaanka la qabtay.

“Ciidanka difaaca shacabka markii deegaanada la qabto ayaga iyo Ciidanka Xooggu difaacooda waa kala baxsan yihiin, hawlgalka waa la isla hawlgalaa, marka meel la qabto militarigu meel gaar ah buu sameystaa oo difaac ka galaa, dadkan kale deegaankii la qabtay bay joogaan, madaxdii meeshay joogtaa oo magaalooyinkii baa la joogaa, bacdamaa aysan horey ula diriri jirin Al Shabaab oo aysan dhagartooda horey u aqoonin, waxaan rabaa talo inaan siino.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Magaalada markaad qabataan ama deegaan aad qabataan lagu dagaalamayay, oo ah bartilmaameed muhiim ah marka la xoreeyo oo la xaqiijiyo amnigiisa, waxaa muhiim ah in asaga la ilaaliyo, oo aan dib lagaga qabsan. Waa in loo sameeyo barro amni, haddaadan birro waaweyn haysan geedaha waaweyn oo jiridda weyn intaad soo goosid jidadka ku gooy.”

General Cabdullaahi Cali Caanood, Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegay inay mamnuuc ah in goobo loo aqoonsaday furin dagaal ay dadka shacabka ahi iska dhex socdaan.

“Waxaa mamnuuc ah aagag dagaal oo laga faltamayay oo shalay, doraad iyo billihii hore laga soo faltamayay oo loo aqoonsaday aag dagaal inay tahay, in dadka shacabka ah ee ka imaanaya gobolada iyo baabuurtooda ay iska yimaadaan, oo rakaabka la keeno, rakaab kalena uu ka baxo oo la sii socdo oo la soo socdo, taasi waxay bixineysaa sirta ciidanka hawlgeliya, waxayna u sahleysaa cadowgu inuu dulduleelo ka helo, oo uu halkaasi dhibaato weyn ka gaysto.” Ayuu yiri General Caanood.

Waxa uu intaa raaciyay “Baabuurtu ciidanka ku hawlgelayaan maahee gaadiidka kale oo imaanayo oo shacabka ah, dhammaanba in la mamnuuco, marka labaad barro kontorool waa in la sameeyo.”

Jananka ayaa awaamiirtoodan guud ku soo koobay “Ciidanku marna dagaalkuu ku jiraa oo xabaduu ridayaa, marna wuxuu ku jiraa marxaladda la yiraahdo diyaargarowga dagaalka. Diyaargarowga dagaalka waxaa weeye waajib baad gudatay, waajibka kalaa u socotaa, diyaargarowgaasi dagaalka waxaa ka imaanaya inaad sameyso barro kontorool oo cadowgu uusan kuu soo gudbin, inaad sameyso sahano, ilaalooyin, roondo habeenkii wareegta, in jidadka soo gala magaalooyinka la xoreeyay oo dhan la xiro iyo in dadka shacabka oo soconaya oo dhan in la joojiyo, waa qaybta ugu muhiimsan.”

Taliska Militariga ayaa u muuqdo mid dersi ka bartay weeraradii ugu dambeeyay, ee ay maleeshiyada Al Shabaab ka gaysteen Degmada Maxaas iyo deegaanka Hilowle Gaab oo ka tirsan Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe. Labadaasi weerar ayaana galaaftay nolosha ku dhawaad 50 ruux.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com