Aadan Madoobe oo gaaray Magaalada Baydhabo (SAWIRRO)

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Gudoomiyaha ayaa xal u raadinaya khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo Midowga Musharaxiinta Mucaaradka oo dalbanaya in doorashada maamulka la qabto.

Gudoomiyaha ayaa xoojinaya Guddiga Farsamada Koonfur Galbeed ee magaaladaasi ka wada qaban-qaabada shirka dib-u-heshiisiinta ee siyaasiyiinta deegaanka.

Guddiga oo dhawaan gaaray magaaladaasi ayaa gelinkii dambe ee Axaddii waxa ay kulan la qaateen Saraakiisha Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika iyo Taliska Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaa oo ay ka wada hadleen sugidda amniga ee shirka dib-u-heshiisiinta, oo dhawaan lagu wado in uu Baydhabo ka furmo.

Guddiga ayaa sidoo kale diyaarinaya goobta lagu qabanayo shirkaasi iyo goobaha kale ee la dejinayo siyaasiyiinta ku wajahan magaaladaasi.

Yuusuf Xasan Isaaq (Yuusuf Waddani), Gudoomiyaha Guddiga Farsamada ayaa sheegay in qaban-qaabada shirka ay meel wanaagsan u mareyso.

“Qaban-qaabada meel fiican ayay mareysaa, mar dhowna waxaan rajeynaynaa in wufuudda ay soo bilowdaan.” Ayuu yiri Yuusuf Waddani oo intaasi ku daray “Waxaan rajeynaynaa in jewi fiican uu shirka noogu furmo, meeshana ay wax fiican ka soo baxaan.”

Aadan Madoobe ayaa dadaal ugu jira, sidii ay dhinacyadu isugu soo dhawaan lahaayeen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com