Dowladda oo sheegtay inay dishay 61 ka mida maleeshiyada Al Shbaaab

Dowladda Federaalka ayaa maanta sheegtay inay dishay 61 ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab, ka dib hawlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay Gobolka Shabellaha Dhexe, kaas oo lagu fashiliyay weerar ay maleeshiyadaasi doonayeen in ay ka gaystaan deegaanka Xawaadley ee gobolkaasi.

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Somaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) ayaa sheegay in hawlgalkaasi ay iska kaashadeen Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamiga.

“Hawlgalka ayaa looga hortagay dhagarweyn oo Khawaarijtu ay soo maleygayeen muddo, isla-markaana ay muddo daba socdeen hay’adaha amniga.” Ayuu yiri Wasiir Kuxigeenku.

Wasiir Kuxigeenka ayaa yiri “Hawlgalkaas waxa uu ka dhacay Gobolka Shabellaha Dhexe, goob beer ah oo ku taala duleedka deegaanka Xawaadley, halkaas waxaa ku sugnaa maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al Shabaab, oo tiradoodu ay ahayd qiyaastii 150 maleeshiyo ah, kuwaa oo loo diyaariyay in ay weeraraan saldhig Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanku ay ku leeyihiin meel aan ka fogayn halkaasi.”

Waxa kaloo uu yiri “Hawlgalkaas oo sidii loogu talagalay u dhacay waxaa qaybtiisii hore lagu qaarajiyay 61 ka mida maleeshiyaadkii halkaasi joogay, tiro kale oo aad u badan ayaa sidoo kale la dhaawacay, waxaana lagu guuleystay in gebi ahaanba la burburiyo oo la fashiliyo weerarkaas Khawaarijtu ay muddo maleygeysay, ay dooneysay in ay ku bartilmaameedsato saldhigga Ciidanka Xoogga Dalka.”

Dhanka kale Alcadaala ayaa sheegay in sidoo kale weerarkaasi looga hortagay gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay, oo Shabaabku doonayeen in ay ku dhibaateeyaan bulshada reer Muqdisho.

“Hawlgalkaas waxaa sidoo kale barbar-socday hawlgal kale oo isagana aad loo diyaariyay, kaas oo ciidamadu ay ku daba socdeen baabuur qaraxyo ay ku soo diyaariyeen Khawaarijtu, oo ay ugu talagaleen inay shacabka Soomaaliyeed ku waxyeeleeyaan. Goobtaas Khawaarijtu waxay ku diyaariyeen laba baabuur, oo mid uu yahay baabuurta loo yaqaano NOAH-da, kan kalena uu yahay baabuur nooca Soomaalida ay u taqaano Caasi.” Ayuu yiri Alcadaala.

Alcadaala ayaa intaasi raaciyay “Labadaas baabuur Khawaarijtu waxay ku soo rareen walxo qarxa oo aad u xoog badan, kuwaas oo ay u qorsheeyeen in ay ku bartilmaameedsadaan shacabka ku nool Caasimadda Muqdisho.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com