Hoyga musharax Fargeeti ee Baydhabo oo ciidan la duldhigay

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Madaxtooyada Koonfur Galbeed ay ciidan duldhigtay hoyga uu musharax Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti) ku leeyahay Magaalada Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxtooyada Koonfur Galbeed ay illaa 50 askari gaysay nawaaxiga hoygaasi, iyadoo sidoo kalena ciidamo ku daabushay halka loo yaqaano Ceel-shaati, oo ku yaala xaafadda Cadaada (Idaada).

Hoyga Fargeeti oo ku yaala dhabarka dambe ee Isgoyska Samafone ee xaafadda Berdaale ayaa waxaa 23-kii bishii December weeraray ciidamo ka amarqaadanayay Madaxtooyada. Dagaal saacado badan socday oo halkaasi ka dhacay ayaa galaaftay nolosha 12 qof, halka tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxtooyada ay sidoo kale ciidamo dharcad ah ku soo daadisay aagga Hotel Bilan, Isgoyska Mursal illaa waddada Caalami. Yoolka laga leeyahay ayaana ah inay soo xirxiraan dadka dhaliilsan siyaasadda maamulka iyo sida ay arrimuhu u socdaan.

Habeenadii la soo dhaafay Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda ee Gobolka Baay ayaa dad badan ka qabqabtay xaafadaha magaalada qaarkood, inkastoo markii dambe ay dadkaasi dib xorriyadooda u heleen.

Fargeeti oo horey u soo noqday Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka ayaa ka mid ah Midowga Musharaxiinta Koonfur Galbeed ee ka biyo diidan muddo kordhintii uu Baarlamaanku u sameeyay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), oo muddo xileedkiisu dhameystay 19-kii bishii December.

Khamiistii waxaa uu dib u dhac ku yimid shirkii uu ku baaqay Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ee la isugu soo dhaweynayay Madaxweyne Laftagareen iyo Musharaxiinta Mucaaradka.

Aadan Madoobe ayaa juhdi badani ku bixinaya, sidii uu shirkaasi uga qabsoomi lahaa Magaalada Baydhabo, mucaaradka dibadjoogga ka ahna ay magaaladaasi u taggi lahaayeen.