Aadan Madoobe oo Baydhabo kula kulmay Saraakiisha Ciidanka ATMIS

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo maalintii 2aad ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa la kulmay Saraakiisha Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Gudoomiyaha ayaa Taliska Qaybta 3aad ee Hawlgalka ATMIS kala hadlay, sidii loo sugi lahaa amniga guud ee Magaalada Baydhabo iyo deegaanada ku dhow dhow.

Gudoomiyaha ayaa dadaal ugu jira, sidii shirka dib-u-heshiisiinta ee Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed uu si amni ah uga qabsoomi lahaa magaaladaasi.

Saraakiisha ATMIS ayaa Gudoomiye Aadan Madoobe u sheegay inay sugi doonaan amniga guud ee magaalada, goobta shirka lagu qabanayo, wufuudda imaaneysa iyo amniga Madaxda Qaranka.

Aadan Madoobe oo bogaadiyay Taliska Qaybta 3aad ee ATMIS ayaa dhanka kale ugu baaqay in laga feejignaado weerarada mintidiinta Al Shabaab, isla-markaana ay Ciidanka Xoogga Dalka ka wada shaqeeyaan howlaha sugidda ee amniga magaalada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com