Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Guddiga Amniga Koonfur Galbeed

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa gelinkii dambe ee maanta waxa uu Magaalada Baydhabo kula kulmay Guddiga Amniga Koonfur Galbeed.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa guddiga kala hadlay sugidda ammaanka Magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda.

“Guddiga Amniga Koonfur Galbeed ayaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka warbixin guud ka siiyay xaaladda amniga ee deegaanka. Gudoomiyaha ayaa Guddiga Amniga Koonfur Galbeed kula dardaarmay inay dardargeliyaan shaqada baaxadda leh ee looga baahan yahay.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Sida warka lagu sheegay Gudoomiyaha ayaa xubnaha guddiga faray in laga fogaado wax kastoo keeni kara xasarad iyo khilaaf, waana xilli magaaladaasi lagu wado in lagu qabto shirka dib-u-heshiisiinta ee Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed.

Goobta lagu qabanayo shirka ayaa waxaa amnigeeda sugaya Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS iyo qaar ka mid ah Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Aadan Madoobe ayaa ugu dambayn waxa uu Guddiga Amniga Koonfur Galbeed ku adkeeyay in ay ka taxadaraan weerarada kooxaha argagixisada.

Koonfur Galbeed ayaa waxaa toddobaadyadii ugu dambeysay ka taagneyd xiisad siyaasadeed, oo ka dhalatay muddo xileedkii Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo dhammaaday iyo Midowga Musharaxiinta Mucaaradka oo dalbanaya in la qabto doorashada maamulka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com