Madaxweynaha Hirshabelle oo Mareykanka u sheegay in la joogo waqtigii Shabaab la soo afjari lahaa

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo booqasho ku joogga Magaalada Muqdisho ayaa gelintii dambe ee Isniintii la kulmay Safiirka Mareykanka ee dalka, Danjire Larry André.

Labada dhinac ayaa si dhow uga wada hadlay arrimaha amniga iyo gulufka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab ee ka socda labada gobol ee Hirshabelle.

“Madaxweynaha ayaa la wadaagay Danjire Larry André in dagaaladii lala galay cadowga lagu jebiyay, iyadoo laga xoreeyay deegaano iyo degmooyin ka tirsan Hirshabelle, haatana lagu jiro waqtigii la soo afjari lahaa kooxda Khawaaijta Al Shabaab ee cadowga ku ah jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Hirshabelle.

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay “Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in deegaanada laga xoreeyay kooxda Khawaarijta ah laga fuliyo barnaamijyada xasillinta, si ay bulshado u hesho adeegyada muhiimka ah ee dowladda iyo kor u qaadidda mashaariicda horumarineed.”

Madaxweyne Guudlaawe ayaa Jimcihii ku baaqay in la dardargeliyo hawlgalada lagu dhameystirayo buu yiri cadowgan u taagan baabi’inta shacabkeenna, ka dib weerarkii xooganaa ee ay Shabaabku ka gaysteen deegaanka Hilowle Gaab ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Mareykanka waa saaxiibka ugu weyn ee Dowladda Federaalka ka taageera weerarada dhanka cirka ee lagu wiiqayo Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com