RW Barre oo booqday Machadka Cilmi-baarista Caafimaadka Xoolaha ee Masar

Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre oo booqasho ku jooga caasimadda dalka Masar ee Qaahira ayaa maanta booqday Machadka Cilmi-baarista Caafimaadka Xoolaha ee dalkaasi.

Raysal Wasaaraha ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay machadkaasi, isagoona sheegay ahmiyadda uu Somaliya u leeyahay dhismaha machad la mid ah kan, maadaama khayraadka Ilaahay siiyey dalkeenna ay xooluhu lafdhabar u yihiin.

Iyada oo laga duulayo xaqiijinta hiigsiga isku filnaansho dhaqaale ee Xukuumadda DanQaran ayuu Raysal Wasaaruhu booqday machadkan, isaga oo dhiirigelinaya inay iskaashi la yeeshaan hay’adaha u igman fayo-dhawrka caafimaadka xoolaha ee dalka.

Machadka AHRI oo la aasaasay sanadkii 1904 ayaa waxa uu heer caalami ah kaga jiraa adeegyada iyo daraasaadka la xiriira faya-dhawrka xoolaha nool.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com