Sacuudiga oo wada fasaxay Xujeyda dunida oo dhan

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa Isniintii ku dhawaaqday, in xajka sannadkaan uu noqon doono sida kuwi ka horreeyay inta aanu billaaban cudurka COVID-19, taasoo ka dhigan in aanan la xadeyn doonin tirada dadka raba in ay soo xajiyaan.

Wasiirka Xajka & Cumarada Sacuudiga, Towfiiq bin Fawzan al-Rabiah ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in la qaaday xadidaadda Xajka.

Xajka sanadkii 2019 ayaa waxaa Xarameynka Shariifka ah tegay in ka badan 2 milyan iyo 4 boqol oo kun oo qof, hase yeeshee sababo la xiriira faafista cudurka COVID-19 dartiis ayaa sanadki 2020 ay boqortooyada ka joojisay Muslimiinta caalamka. Sanadkaas ayaa waxaa xajiyay keliya 1,000 xujaay oo ku nool Sacuudiga.

Sanadkii xigay ee 2021, boqortooyada ayaa ku xadeysay dadka soo xajiyay 60,000 oo isugu jiray muwaadiniinta Sacuudiga iyo ajnabiga degan dalkaasi, halka sanadkii hore ay xajiyeen illaa 1 milyan oo qof.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com