Bannaanbax ballaaran oo Khamiista lagu qabanayo Magaalada Muqdisho

Dowladda Federaalka ayaa ku baaqday bannaanbax ballaaran, oo Khamiista berrito ah ka dhacaya Garoonka Kubadda Cagta Eng. Yariisow ee Magaalada Muqdisho.

Dowladda ayaa bannaanbaxan ku sheegtay mid ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab, laguna taageerayo kacdoonka dadweynaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in uu bannaanbaxa kaga dhawaaqo (kacdoonka shacabka Muqdisho) ee lagula dagaalamayo maleeshiyadaasi.

Dhammaanba shaqaalaha dowladda ayaa lagu wargeliyay in ay ka soo qaybgalaan bannaanbaxaasi.

Gudoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa sheegay in shacabka reer Muqdisho ay ka qaybgeli doonaan bannaanbaxaasi lagu taageerayo dagaalka ay dowladda kula jirto maleeshiyada Shabaabka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 1-dii bishan sheegay in dowladdiisu ay sanadkan 2023 soo afjari doonto Shabaabka muddada dheer dalka ka dagaalamayay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com