Shir Sanadeedka Garsoorka Dalka oo ka furmay Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay furitaanka Shirka Garsoorka Dalka, oo maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.

Shirkan oo sanadkiisii 5aad oo xiriir ah Caasimadda Muqdisho ka qabsoomaya ayaa sanadkan looga hadlaya Federaaleynta Garsoorka, oo daba-yaaqadii bishii December ay saxiixeen Golaha Wadatashiga Qaran, marka laga reebo Puntland.

Golaha ayaa isku raacay in la qaato hannaanka isku-dhafka ah ee garsoorka, waana kan maanta iyo berriba looga doodayo shir sanadeedkan.

Shirka ayaa waxaa ka qaybgelaya Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Dalka, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Garsooreyaasha Maxkamadda Sare, Guddoonka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, bahda Garsoorka & Cadaaladda, Taliyeyaasha Ciidamada qaybtood, Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka iyo Ururka Qareenada Soomaaliyeed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com