Daacish oo weerartay saldhig ku yaala Gobolka Bari

Faah faahino ayaa ka soo baxaya weerar goor dambe oo xalay ahayd ay maleeshiyada Daacish ka gaysatay Saldhigga Booliska ee Degmada Bali-dhidin ee Gobolka Bari.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska ay iska caabiyeen maleeshiyadii weerarka soo qaaday, kuwaa oo markii dambe dib ugu laabtay goobihii ay ka soo duuleen.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari, Korneyl Cabdulqaadir Jaamac Dirir ayaa sheegay in maleeshiyadaasi ay ka tirsan tahay Daacishta Somaliya.

“Ciidan dowladda ah oo ku sugnaa meesha saldhigga ah ayaa waxaa soo weeraray cadowga buuraha Daacish, ciidankuna waa is difaaceen.” Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha oo VOA la hadlay ayaa yiri “Weerarkaas cadowgii weerarka ahaa waa lagu jebiyay meesha, hal nin oo inuu ajnabi yahay aan qiyaasayno qalabkii miinadana wata baa kaga dhintay meeshaas, ciidankana hal nin baa ka shahiiday.”

Waxa uu intaasi ku daray “Xagga dowladda wax dhaawac ah oo jiro ma jiraan, laakiin ayagu dhaawacyo ayay qaateen, markii ay sii baxayeen inay dhaawacyo sideen ayaa la sheegay.”

Daacishta dalka ka dagaalanta ayaa daba-yaaqadii bishii October ee sanadkii 2015 looga dhawaaqay buuraha Gobolka Bari ee Puntland, waana garab ka jabay Ururka Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com